Sawirro-sanad guuradii 17aad ee aasaaska puntland oo laga xusay minnepolis.

Magalada Minnepolis ee Gobalka Minnesota waxaa lagu qabtay munaasibad ballaaran oo lagu maamusayay 17-guuraddii kasoo wareegtay markii Puntland la asaasey 1998.

Dabaal-degaan waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Gobalka Mudug, madaxda Jaaliyadda Puntland ee Gobalkaa, masuuliyiin kale oo bulshada dhexdooda maamuus ku leh iyo boqolaal dadwayne oo ku labisan calanka iyo astaanta Puntland.

Kooxda fanaaniinta MN ayaa xuska kusoo bandhigay heeso kala duwan oo lagu amaanayo Puntland iyo shacabkeeda, waxayna sidoo kale shacabka iyo mamulka ku tilmaameen dad u bisil horumarka iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Dad macno leh oo munaasibadda ka hadlay waxay sheegeen inay heerar kala duwan dul udug soo martay maadama la fadhiyo meel lagu faani karo, sidoo kale dowladda ayay usoo jeediyeen inay sii wado dadaalada lagu sii hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa marka hore u mahad celiyay shacabka samaha jecel ee ku nool Minnepolis sidoo kale waxa uu sheegay masuulkaasi inay waajib ku tahay muwaadin kasta oo reer Puntland ah inuu xuso aasaska iyo dhismaha dhulkiisa.

Sidoo kale waxa uu ka waramay horumarka iyo xasiloonida ka jirta Puntland ugu danbayntii wuxuu ka codsaday inay dalka maalgaliyaan oo sii xoojiyaan dowrkooda kaga aadan.

Dalal badan oo Yurub iyo Aasiya ku yaala ayaa sanadkan laga xusay 17 guurada aasaska Puntland, walow shacabka gudaha ku noolna ay qaarkood ka saluugeen sababta isku soo baxyadii caasumadda lagu dhigi jiray dowladdu u baajisey.

Daawo Sawirro

received_10206717245663717-450x300

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *